Agaasimaha guud Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Xasan Isxaaq ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka daahfuray shirka Agaasimiyaasha guud ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, kaasi oo socon doono muddo shan maalmood.

  Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee dawlad goboleedyada, howl-wadeenada wasaaradaha shaqada iyo qaybo