Agaasimaha guud Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Xasan Isxaaq ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka daahfuray shirka Agaasimiyaasha guud ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, kaasi oo socon doono muddo shan maalmood.

 

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee dawlad goboleedyada, howl-wadeenada wasaaradaha shaqada iyo qaybo ka mid ah bulshada rayidka ah.

 

Shirkan ayaa u jeedadiisu ahayd sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Wasaaradaha, dardargelinta adeegyada bulshada, taaba gelinta hannaanka casriyeynta adeegyada dowladda iyo in la abuuro madal sedex-biloodle ah, taasi oo ay isugu imaanayaan agaasimiyaasha guud ee wasaaradaha Shaqada iyo arimaha bulshada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

 

Agaasimaha guud ayaa uga mahadceliyey dhamaan agaasimeyaasha dowlad goboleedyada dalka wadashqeyntooda wanaagsan ay la leeyihiin dowlada Federaalka Soomaaliya, dhanka kale waxaa jirey doodo iyo presentation ku saabsanaa siyaasadaha la xiriira ilaalinta bulshada.