Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi ibraahim ayaa ka qeybgaley Shirka Suuqa Shaqada ee Caalamiga ah (Global Lobor Market Conference) ee Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi ibraahim ayaa ka qeybgaley Shirka Suuqa Shaqada ee Caalamiga ah (Global Lobor Market Conference) ee Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga. Shirku ayaa lagu falanqeyn doonaa laguna soo bandhigi doonaa xalal cusub oo lagu talagalay caqabadaha waaweyn ee maanta wajahaya suuqyada shaqada.

 

furitaanka Shirkan waxaa goob joog ka ahaa dad kor u dhaafaya 6,000 oo qof kuwaasoo oo ka kala yimid in ka badan 40 wadan. Waxaa ka mid ahaa dadkii ka soo qeyb galay kulanka, wasiirro sarsare oo ka socday Sacuudiga, siyaasiyiin, hoggaamiyeyaasha ururrada caalamiga ah, madaxda ganacsiga, aqoonyahannada, iyo wakiillada shaqada.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS ayaa kusoo bandhigey Shirka heerka uu maraayo suuqa shaqada ee Soomaaliya, isagoo oo iftiimiyey caqabadaha jira iyo tallaabooyinka loogu gudbi lahaa, Wasiirka ayaa sido kale la wadaagey Madaxda in dowladda Soomaliya ay ka go’an tahay inay abuurto barnaamijyo shaqo abuur ah oo loogu talagalay dhalinyarada Soomaaliyeed sidoo kale in lagu wacyigeliyo fursadaha ka jira suuqa shaqada lana hormariyo waxsoosaarkooda.