Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Xasan Isxaaq ayaa kormeer ku tegay xarunta Tababarada iyo Waxbarashada Farsamada Gacanta ee ku taala magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

 

Agaasimaha ayaa waraystay maamulka xaruntan, isagoo soo diiwaangeliyay baahiyaha ka dhiman, si loo hormariyo farsamada gacanta.

 

Dhanka kale Agaasimaha ayaa booqasho kusoo maray Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga iyo wefdi ka socda JFS.

 

Agaasimaha ayaa la fadhiistay madaxda Wasaaradda iyo dhamaan shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala Wasaaradda,

 

waxaana uu ku booriyay doorka muhiimka ah ee ay ugu adeegaan bulshadooda Konfur galbeed Soomaaliya.

 

Ugu dambayn, agaasimaha ayaa kulamadan ugu kuurgalay xaaladaha dhabta ah ee wasaaraddaha iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaala magaalada Baydhabo.