Wasiirka Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa maanta si rasmi ah Magaalada Muqdishu ugu furay shir socon doono labo maalmood oo ku saabsan taageero u raadinta ilaalinta Bulshada Soomaaliyeed.

Shirka waxaa kasoo qeybgaley agaasimeyaasha guud ee dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalaka Soomaaliya, agaasimaha guud ee Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Xasan Isaaq, Wakiilo ka socdey hay’adaha caalamiga ah sida Save the Children iyo qeybo ka mid ah bulshada rayidka.

 

Waxaa shirkan diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhexaysa Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada ee Xukuumada federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Shaqada iyo Arimaha Bulshada maamul goboleedyada dalka.

 

Wasiirka ayaa inta uu socdey shirka wuxuu hoosta ka xariiqey in wasaaradda ay diyaar la tahay dejinta siyaasadaha la xiriira ilaalinta bulshada iyo bixinta adeegyada ay Wasaaraddu hogaamiso.

 

Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa ugu mahadceliyey agaasimiyaasha guud ee Wasaaraddaha dowlad goboleedyada kasoo qeyb-galooda iyo dhamaan marti sharafta kale gaar ahaan halwadeenada Wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga oo maanta goobjoog ka ahaayeen shirka.