Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa ka qeybgaley Shirka Caalamiga ah ee isbedelka Cimilada Aduunka (Cop28) oo ka furmay Maalmo ka hor dalka isutagga imaaraatka Carabta.

Shirka ayaa diirada lagu saaray saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu uu ku yeeshay adduunka oo dhan iyo sido kale muhiimada in la helo taageero caalami ah iyo qorshe Dowladdu ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay keentay El Niño oo khasaare naf iyo maalba leh ay kasoo gaareen bulshada Soomaaliyeed.

 

Dhanka kale, Wasiirka ayaa qeybgaley munaasabad ay Cinwaankeedu ahaa La-dagaalanka xasaradaha ee Cimilada iyadoo la isticmaalayo wada-hadal bulsho, Waxaana qeyb ka ahaa dooda Ururka Shaqaalaha adduunka (ILO), Urur goboleedka IGAD iyo ITUC ( International Trade Union Confederation) taasoo ay soo wada agaasimeen Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada JFS iyo Midowga shaqaalaha Soomaaliyeed (Somali Federation of Trade Unions).

 

Wasiirku waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta hindisayaal ku dhisan sinnaan iyo deegaan wanaag, wada-hadal bulsho oo ay ka qayb qaadanayaan shaqaalaha iyo ururrada bulshada ee kala duwan.