Wasiir ku-xigeen ka Md:Xil. Cismaan Libaax Ibraahim oo furay tababar sare loogu qaadayo aqoonta hawlwadeenada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Madaxa Qeybta tababarka ahna kusimaha agaasimaha Waaxda tababarada iyo farsamada gacanta Mudane Muxiyadiin Salaad Yuusuf oo soo agaasimay tababarka maanta Shaqaalaha uga Furmay gudaha Wasaaradda ayaa faah faahin ka bixiyay waxa uu ku saabsan yahay tababarkan, kaasi oo diiradda lagu saarayay hab-dhaqanka Suuban iyo ilaalinta waqtiga (Code of conduct and Time keeping) .

Madaxa Qeybta ayaa ku soo dhaweeyay hadalka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane. Cismaan Libaax Ibraahim in uu tababarka u furo xubnaha tababarka qaadanayay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Xil. Cusman Libax Ibraahim ayaa yiri “Waa markii ugu horeysay tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka shaqaalaha dowladda ee (system ka Suul Saarka) in kor loo qaado aqoonta anshaxa suuban iyo ilaalinta waqtiga shaqada, dhammaan shaqaalaha dowladda.”

Ugu dambeyn, Wasiir ku xigeen Cismaan Libaax ayaa sheegay in tababarayaasha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda ay doonayaan in ay arkaan isbedel weyn oo dhanka shaqada ah, isagoo ammaan iyo bogaadin u jeediyay shaqaalaha ilaaliya waqtiga shaqada.