Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo warbixin ka dhageystay wafdigii ka qeyb galay shirkii CEN-SAD ee lagu qabtay Dalka Liibiya. Muqdisho, December 03, 2023; Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan oo hogaaminaya wafdiga Soomaaliya ayaa wasiirka warbixin ka siiyay ujeedka kulanka iyo waxyaabihii looga hadlay.

Wasiir Yuusuf ayaa yiri “Shirka wuxuu ahaa mid balaaran oo ay kasoo qeyb galeen Wadamada ku bahoobay (CEN iyo SAD) ee Saaxil iyo Saxaraha Wasaaradahooda Shaqada.

 

Waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay sida looga hortagi karo tahriibka sharci darada ah ee ay wadaan dadka ku nool qaarada Africa, shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta qaarada Afrika & sidii shaqo loogu abuuri lahaa wadamada xubnaha ka ah (CEN iyo SAD) ee Sahel iyo Saxaaraha oo ay Soomaaliya Xubinta ka tahay.

 

Soomaaliya ayaa soo bandhigtay aragtideeda ku aaddan sidii shaqooyin cusub loo abuuri lahaa Shaqo doonka, isla markaana looga hortagi lahaa Socdaalka sharci darada ah iyo kuwa ka ganacsada Tahriibinta Dadka

 

Sidoo kale, Wasiir Yuusuf Maxamed Aadan inta uu ku sugnaa dalka Liibiya wuxuu kulan miro dhal ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Shaqada ee dalka Liibiya Ali Al-Abed, waxayna ka wadahadleen sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dowladood iyo iskaashiga labada wasaaradood ee Liibiya iyo Soomaaliya ee dhanka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa bogaadiyay wafdigii Soomaaliyeed ee ka soo qeyb galay shirka oo soo bandhigay aragtidooda wax ku ool ah iyo ka qeyb galka shirkaasi ee CEN-SAD.