Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane: Yusuf Maxamed Aadan oo Shir Guddoomiyay Shirka Maalintii Labaad uga Socday Dalka Libya ee Tripoli.

Waxaa Maalintii labaad Socda shirka Wasiirada Shaqada ee Wadamada ku bahoobay (CEN iyo SAD)ee Saaxil iyo Saxaraha oo ka furmay caasimadda Dalka Libya ee Tripoli.

 

Shirkaas oo ay Soo Agaasintay Wasaaradda Shaqada ee dalka Libya, ayaa Maanta Waxaa Shir Guddoominayay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibaan Yusuf Maxamed Aadan

Inta uu Shirka Socday ayaa Waxaa lagu doortay Guddi ka kooban Afar Xubnood oo kala ah:-

 

  1. Wasiirka Shaqada Dalka Libya; Guddoomiye.
  2. Wasiirka Shaqada Dalka Gambiya; Guddoomiye kuxigeen.
  3. Wasiiru-Dawlaha Shaqada Soomaaliya; Xog-hayaha koowad.
  4. Wasiirka Shaqada Dalka Chad; Xog-haye Ku-xigeen.

 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS, Waxaa Farxad Weyn u ah in ay Sharaftii iyo Sumacaddii ay Ku laheyd Caalamka Dib u soo Ceshato, isla markaana ay Shir guddoomiso shirkaas heer caalamiga ah ee Dalka Libya uga Socday Wasiirada Wasaaradaha Shaqada Waddama Ku bahoobay (Saaxil iyo Saxaraha).

 

Sidoo kale Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS ayaa Kulamo Gaar-gaar ah la yeeshay Wasiirada Dhiggiisa ah iyo Wasiirka Shaqada Dalka Libya ee Tripoli.