Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Maxamed Aadan ayaa ka qeybgaley shirka Wasiirada Shaqada ee Wadamada ku bahoobay Saaxil iyo Saxaraha oo ka furmay caasimadda Dalka Libya ee Tripoli

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Maxamed Aadan ayaa maanta ka qeybgaley shirka Wasiirada Shaqada ee Wadamada ku bahoobay Saaxil iyo Saxaraha oo ka furmay caasimadda Dalka Libya ee Tripoli.

Shirkan oo socon doono muddo labo maalin ah waxaa soo agaasimay Wasaaradda Shaqada ee Libya, waxaana looga golleeyahay in lagu hindiso qaabka lagu hormarinaayo nidaamka shaqo ee (Ajaanibta iyo Muhaajiriinta) iyo sido kale in la hirgeliyo xarumo lagu barto xirfado shaqo, in la abuuro jawi maalgashi oo ku dhisan xasilooni.

 

Dalalka kasoo qeybgaley shirkaan ayaa dhamaantooda si wadajir ah hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado arimaha la xariira shaqo abuurka iyo in la xoojiyo wadashaqeynta si loo horumariyo shucuubta wadamadaas.