Wasiir-dowlaha Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulashada M.d: Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ka qeyb galay Shirka Wasiirada Shaqada ee dowladaha Islaamka oo ka furmay magaalada Baku ee caasimadda Jamhuuriyadda Asarbajaan.

Wasiir-dowlaha Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulashada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ka qeyb galay Kalfadhiga 5-aad ee Shirka Wasiirada Shaqada ee dowladaha Islaamka oo maanta ka furmay magaalada Baku ee caasimadda Jamhuuriyadda Asarbajaan.

Kulanka oo socon doona muddo saddex maalin, waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Iskaashiga Islaamka (Organization of Islamic Cooperation) waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii Xal cusub oo lagu casriyeynayo Adeegyada Shaqada iyo Shaqaalaynta ee Waddamada Xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha heerka shaqo la’aanta ee ka jira dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).