Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa shir gudoomiyey kulanka dib u eegista mashruuca Baxnaano oo ay maamusho Wasaaradda shaqada ee X,F,S.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa godoomiyey kulanka dib u eegista mashruuca Baxnaano oo ay maamusho Wasaaradda.

Kulankan oo ka dhacey magaalada Nairobi ayaa ujeedadiisu ahayd sare u qaadista wacyigelinta iyo ballaarinta mashruuca Baxnaano iyadoo la gaarsiinayo deegaanada dhawaan lagu soo celiyay gacanta dowladda iyo goobaha ay aadka u saameeyeen daadadka ka dhashay roobabka Deyrta.

Waxaa shirka goob joog ahaa maareeyaha mashruuca Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullahi, howlwadeenada mashruuca iyo qaar ka mida daneeyayaasha caalamiga ah ee mashruuca.

Ballaarinta mashruuca Baxnaano ayaa looga golleeyahay in lagu xoojiyo ilaalinta bulshada Soomaaliyeed taasoo qeyb ka ah waajibaadka loo idmaday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya.