Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagey xaruunta Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Mudane Xasan Abshirow Maxamed oo kulan ku yeeshay Xarunta Guddiga ayaa kawada hadlay arrimaha Maamulka iyo Maareynta Shaqaalaha.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhegaystay Guddiga Jaangoynta Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka Dowladda, iyada oo kulanka lagu soo bandhigay waxyaabihii qabsoomay, arrimaha hortebinta leh iyo fursadahaha jira.

Waxaa Sidoo kale, warbixin hordhac ah laga dhegaystay Guddoomiyaha Guddiga Tirakoobka Shaqaalaha Kumeel-gaarka Mudane Axmed Maxamed Xasan, isagoo si faah-faahsan ugu hadlay marxaladihii uu soo maray tirakoobka, guulaha laga gaaray iyo caqabadaha jira.

Ugu dambayntii, Wasiirka Wasaarada shaqada iyo Arimaha Bulshada Mudane Dr. Maxamed Cilmi ayaa sheegey in Wasaaraddu ay ka go’antahay dedejinta iyo dhammaystirka arrimaha dib u habeynta shaqaalaha oo muhiimad weyn u leh Qaranka.

Wasiirka ayaa sidoo kale Guddiga uga mahadceliyey shaqooyinka muhiimka ah ee aay u haayaan qarankeena, waxa uuna ballan qaadey in wasaaraddu marwalbo ay garab taagan tahay.