Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furey shirka wada xaajoodka saboolnimada qaybaheeda kala duwan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Shaqada iyo Aarimaha Bulshada kaas oo ka socda Magaalada Muqdishu.

 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo soo qaban qaabisay shirka ayaa ku casuuntay mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, labada golle ee Baarlamaanka dalka, mas’uuliyiin ka socotay QM iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay shirka lagu soo bandhigayay qorshaha wada-xaajoodka iyo ka hor-taga saboolnimada qaybaheeda kala duwan.

 

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo ka hadlay muhiimadda uu leeyahay furitaanka Shirkan ka wada xaajoodka Saboolnimada Qeybaheeda kala duwan. Wuxuu yidhi

“Tusaha Saboolnimada waxa uu sahlayaa in Wasaaradda Shaqada ay ogaato Baahida Dadka Saboolka, kuna Go’aan qaadato xogtaasi” Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xildhibaan Dr Maxamed Cilmi.

 

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay madasha ayaa xusay muhiimadda qorshahani u leeyahay dadka Soomaaliyeed oo aan warbixinno sugan laga hayn heerka saboolnimada ee dhinacyada badan leh.

 

“ hannaankii looga yarayn lahaa saboolnimada iyo faqriga, iyadoo lagu jaangoynayo qorshaha Xukuumadda #DanQaran ee yaraynta saboolnimada iyo faqriga, waxaa la gaaray xilligii ku habooneyd ee laga fikiri lahaa faqriga, waayo Soomaaliya Deeyn badan ayaa laga cafiyay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka.

 

Shirkan oo ay soo agaasintay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa talooyin wax ku ool ah ka soo jeediyay hay’adaha Soomaaliya ka taageera arrimaha bani’aadantimada iyo ka hortagga yaraynta saboolnimada.