Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Dr. Maxamed Climi Ibrahim Ayaa Gollaha Aqalka Sare u gudbiyay Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowlada.

 

Muqdisho, December 16, 2023. Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Dr. Maxamed Climi Ibrahim ayaa Sanatarada Aqalka Sare u faahfaahiyay Muhiimada Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowlada .

 

Yoolka guud ee Hindise Sharciyeedka Sharciga Howl-gabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka Dowladda waa in la helo, la xaqiijiyo lana siiyo shaqaalaha rayidka Dawladda daryeel hawlgab iyo liiltir sugan oo ku habboon shaqaalaha rayidka kaasoo ah mid la joogteyn karo.

 

“Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka Dowlada waxaa uu dhisayaa Hay’ad ilaalisa Sanduuqa Howl gabka ” Ayuu Yiri Wasiirka.

 

Wasiirka ayaa sido kale waxa uu sheegay meelmarinta sharcigan inay muhiimad u leedahay Shaqaalaha Rayidka Dawladda.

 

Waa dhacdo taariikhi ah in aan maanta hor geyno Gollaha Aqalka Sare hindisahan, waxaan boggaadin oo aan u mahadcelinayaa Sanatarrada Aqalka Sare ee ugala wareegay oo dhayetstay faahfaahinta iyo muhiimadda hindise sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda”. ayuu ku daray Wasiir Maxamed Climi Ibrahim.