Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa baydhabo ku daahfuray tabbabar ku saabsan Ilaalinta bulshada iyo ka hortagga dhibaatooyinka.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo uu wehliyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koofur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Cumar Cabdullahi ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku daahfuray tabbabar ku saabsan Ilaalinta bulshada iyo ka hortagga dhibaatooyinka oo loo qabanayey qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

 

Tababarkan oo sare loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha ayaa socon doona muddo saddex maalin ah, waxayna Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowlada Federaalka iyo tan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed daddaal dheer ku bixinayaan kor u qaadida aqoonta iyo khibrada shaqaalaha wasaaraddaha si bulshada loogu adeego hab wanaagsan.

 

Dhanka kale, Wasiirka ayaa ku wehliyey Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen munnaasabadda Xarig jarka Xarunta Dhexe Sheybaarka Guud ee Koonfur Galbeed.

 

Xaruntan ayaa ah tii ugu weyneyd waxeyna dabooli doontaa dhammaan baahida dhinaca shaybaarka ee dadka ku nool deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.