Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jaamacada carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Amb. Salah Elguneid.

Muqdisho, September,03.2023 Wasiiru dowalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xil. Yuusuf Maxamed Adan ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay wafdi uu hogaaminaaye Danjiraha Jaamacada carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Amb. Salah Elguneid.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Xil. Yuusuf Maxamed Aadan oo kulan la qaatay Safiirka ayaa uga mahadceliyey booqashada uu ku yimid Wasaaradda, isagoo ay dhinac fadhiyeen mas’uuliyiinta labada dhinac oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cusman Libax Ibraahim iyo Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Salaad Xuseen Cabdulle iyo lataliyaha Safiirka Jaamacada carabta, C/raxmaan Guure. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta dhanka horumarinta shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ayagoo kormeeray waaxyaha wasaaradda iyo howlaha baaxadda leh ay hayaan shaqaalaha wasaaradda.
Mas’uuliyiinta intii ay ku guda jireen kormeerkooda waxey u kuur galeen hannaanka shaqo iyo horumarka ka jira Wasaaradda.
Danjiraha Jaamacada carabta Salah Elguneid. ayaa ugu horeyn uga mahadcaliyey Masuuliyiinta wasaaradda iyo shaqaalaha sida wanaagasan ay u soo dhaweeyeen, Isaga oo Wasiirada iyo ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda la wadaagay sida Jaamacada Carabta ay uga go’an tahay inay ka gacan siiyaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, arimaha la xariira Dayactirka xarumaha wasaaradda iyo qalabeynta Xafiisyadda.
Ugu dambeyn Wasiiru Dawlaha Wasaaradda ayaa bogaadiyay dedaalada Jaamacada Carabta ay ku taageerayso Dawladda Federaalka Soomaaliya.