Wasiirka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed cilmi Ibraahim oo si rasmi ah u daahfurnay mashruuca SEIP Project oo uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika

Waxaan si rasmi ah u daahfurey mashruuca SEIP Project oo uu maalgelinayo Bangiga Horumarinta Afrika, mashruuca oo kor loogu qaadayo tababarrada xirfadaha dhallinyarada iyo shaqo abuurka oo qayb wayn ka ah barnaamijka xukuumadda sidoo kale muhiimad gaar ahna noo leh ka wasaarad ahaan, waxaan bogaadinayaa Waaxda TVET-ka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo fulinaysa mashruucan.