Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada oo Kormeeray Tiro-Koobka Shaqaalaha aan Joogtada ahayn ee (DFS) oo Ka Soconaya Xarunta Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DFS, Mudane Yuusuf Xasan Isaaq (Yuusuf Wadani) ayaa kormeeray habsami u socodka tirakoobka Shaqaalaha aan Joogtada aheyn ee (DFS), iyadoo uu halkaas kula kulmay “Kusimaha Guddomiyaha ahna Guddomiye Ku xigeenka Guddiga Mudane Cali Muumin Muudey”.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale booqday xarunta uu tirokoobka ka socday , asagoo Warbixin iyo habraacyada loo sameynaayo tiro-koobka ka dhageystay Gudoomiyaha Gudigga tiro-koobka Mudane Ahmed Mohamed Hassan .

Ujeeddada kormeerka ayaa la xiriirtay u kuurgelida habsami u socodka tira-koobka Shaqaalaha aan Joogtada aheyn ee DFS.

Ugu Dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa boggaadiyay shaqada guddiga farsamada ee tirakoobka Shaqaalaha aan joogtada aheyn, wuxuuna kula dardaarmay in ay hawsha u socoto si daahfurnaan iyo cadaalad oo ay daacadnimano ku jirto.

Tirakoobkaan oo soo billowday 20-ka August, 2023, ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay ee madax ka tirinta Shaqaalaha aan joogtada aheyn ee Dawladda, kaa oo lagu samaynayo dhammaan shaqaalaha KMG ee Hay’adaha kala duwan ee Dawladda.