Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Mudane Dr Maxamed Cilmi Ibrahim ayaa shir guddoomiyey shirka saddex biloodlaha ah ee Guddiga Sarre ee Mashruuca Sagal.

Kulanka ayaa waxa kasoo qeybgalay Wasiirada Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee dowlad goboleedyaada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, wakiilo ka socdey Midowga Yurub iyo wakiilo ka socdey Daladda Lacagta Soomaaliyeed (Somali Cash Consotuim)

Shirka ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu ogaado horumarka laga sameeyay mashruuca, caqabadaha jira iyo in la iska wareysto guulaha la taaban karo ee mashruuca laga gaaray.

Ugu dambeyntii, wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Dr Maxamed Cilmi ayaa bogaadiyey dadaalada lagu doonaayo in ay Soomaaliya gaarto isku-filnaansho dhaqaale.