Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa soo xiray kulan aqoon isweydaarsi ah oo loo qabtay Hay’adaha wax soo saarka Dowladda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Yuusuf Xasan Isaak, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulan aqoon–isweydaarsi ah oo loo qabtay Hay’adaha wax soo saarka Dowladda oo loogu magac daray Saladda Wax-soosaarka Bulshada Soomaaliyeed (Productive Social Safety Net Program in Somalia).

Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa ka soo qeyb galay agaasimayaal ka kala socday wasaaradaha u qaabilsan wax soo saarka iyo mas’uuliyiin kale oo gacanta ku haya mashaariicda hay’adaha dowladda oo goobjoog ka ahaa aqoon isweydaarsigan mudada saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Mudane Yuusuf Xasan Isaaq Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in kulankan Saladda Wax-soosaarka Bulshada Soomaaliyeed uu yahay mid loogu adeegayo Arrimaha Bulshada oo kaalin weyn ku leh qorshaha horumarinta Bulshada, isagoo tilmaamay inay ka qeyb qaadan doonaan shaqo abuur iyo taageero dhaqaale. waxaana la gaarsiin doonaa degmooyinka ay dagaalada ka socdaan, Barnaamijka Qaran ee Saladda Wax-soosaarka Bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale Agaasimaha Guud caddeeyay muhiimada uu leeyahay fahanka iyo mudnaansiinta, taa oo ah ujeeddada aqoon-iswaydaarsiga Saladda Wax-soosaarka Bulshada Soomaaliyeed (Productive Social Safety Net Program ) oo uu maanta Muqdisho ku soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS.

Ugu dambeyntii kulan aqoon isweydaarsiga ah oo loo qabtay Hay’adaha wax soo saarka Dowladda waxaa goobjoog ka ahaa kana hadlay Agaasimaha waaxda Qorsheynta iyo Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada.