Mudaneyaasha golaha shacabka ee BJFS ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka hawlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda.

Mudaneyaasha golaha shacabka ee BJFS ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka hawlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda.
Mogadishu, 04. 09. 2023:
Kalfadhigii maanta ee golaha shacabka BJFS oo uu shirgudoominayay guddoomiyaha golaha shacabka mudane sheekh Aadan Maxamed Nuur ( Aadan Madoobe) ayaa xildhibaanadda golaha shacabku cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen hindise sharciyeedka hawlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda.
Mas’uuliyiinta wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshada iyo guddida horrumarinta arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka ayaa ka warbixiyay muhiimadda sharcigan u leeyahay dawlad-dhiska Somaaliya, iyaga oo xusay in uu uu sharcigani sugayo xuquuqaha shaqaalaha hawlgabka ah ee mudada badan u soo adeegayay qaranka.
Ugu danbayn wasiiru-dawlaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada JFS Xil. Yusuf Maxamed Aadan ayaa xildhibaanadda golaha uga mahadceliyay ansxinta xeerkan muhiimka ah, Sidoo kale wasiiru-dawlaha ayaa u mahadceliyay guddida arrimaha bulshada ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaliya oo xeerkan ka soo shaqeeyay.