Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa xafiiskiisa ku qaabilay mas’uuliyiinta Munazzamat Al Dawa

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Hay’adda Samafalka ee Munazzamat Al Dawa uu hogaaminayay Agaasime Goboleedka Munazzamat Al Dawa u qaabilsan Soomaaliyda, Dr. Xasan Abuubakar iyo Madaxa Xafiiska Muqdishu ee Munazzamatu Al Dawa Dr. Sayidcali Xuseen Macalin iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska, ayaga oo ka wada hadlay sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka u dhaxeeya Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Munazzamat Al Dawa oo ah u adeegida Bulshada Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdi Axmed Qaasim ayaa ka hadlay iskaashiga iyo taakuleynta dadka nugul ee qaba baahiyada gaarka ah, si logu helo Mashaariic kala gedisan ee lagu horumarinayo Arrimaha Bulshada Soomaaliyeed.

“Shirkan wuxuu muhiim u yahay dadaalkeena ku aaddan xoojinta xiriirka ka dhexeeya NGO –yada, hay’adaha Samafalka iyo deeq bixiyaasha”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.

 

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad oo labada dhinac ah