Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada X.F.S, Marwo Sahra Xaaji Xuseen oo gudoontay gaadiid gurmadka deg degga

Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Marwo Sahra Xaaji Xuseen ayaa boggaadisay dadaallada Horumarinta adeegga Bulshada , xilli ay maanta wasaaradda caafimaadka kala wareegtay gaadiid gurmadka deg degga ah oo loogu talagalay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

 

Gaadiidkan oo qeyb ka ah mashruuca Midowga Yurub iyo IGAD ee ka jawaabidda COVID-19 iyo saameynta uu ku yeeshay Caafimaadka iyo Dhaqaalaha , ayaa sidoo kale waxaa la gaarsiin doonaa deegaannada kale ee ku yaal xadduuda Dalka.