Wasiir Dawlaha wasaaradda Shaqada Iyo Arimaha Bulshada Cabdi Axmed Qaasim Ayaa Khudbad Aad Loogu Sacab Tumay Waxaa Uu Ka Jeediyay Kulanka Bandhigga Jaamacadaha Muqdisho.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabdi Axmed Qaasim ayaa khudbad aad loogu sacab tumay waxa uu ka jeediyay xeritaanka Bandhigga Jaamacadaha Muqdisho, oo muddo saddex maalmood ka socday Hotel Elit ee magaaladda Muqdisho. waxyaabihii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa baahida loo qabo shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed si loo xakameeyo shaqo la’aanta heysata dhalinyarada Soomaaliyeed .
Wasiiru Dowlaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo kabaneyso. Waxuu ku booriyay jaamacadaha in ay gacan siiyaan dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga gudbaan waqtiga adag iyo shaqo la,aanta baahsan, ayna helaan Jaamacado u adeegaya mustaqbalka Dhalinyarada.
“Dhallinyaro waa adinka cidda beddelaysa xilalka iyo kuraasta aan ku fadhinno, waa in aad si daacad ah oo habboon wax u barataan. Dalku adinka ayuu idin sugayaa.”sidaana waxaa yiri Wasiiru Dowlaha.
Dhinaca kale Wasiiru Dowlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Axmed Qaasim ayaa madasha bandhigga jaamacadaha Muqdisho ka sheegay horumarka ay Wasaarada ka gaaray shaqo Abuukar waxuuna yiri “muddadii aan joogay Wasaaradda Shaqada ku dhawaad Sannadka waxaan xoogga saarnay hirgelinta iyo ansixinta siyaadadda Qaranka ee shaqo abuurka (National Employment Policy NEP)”. “Shaqo -abuurka maanta wuxuu leeyahay siyaasad ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada”. waxuu intaa raaciyay ” waxaa la daah furay bishii la soo dhaafay Siyaasadda shaqo -abuurka iyadoo ay ka soo qaybgaleen dhammaan daneeyayaasha sida ganacsiga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay UN gaar ahaan ILO”. sidaana waxaa yiri Wasiiru Dowlaha.
Ugu dambeyntii waxaa maanta lasoo gabagabeynayaa bandhigga jaamacadaha Muqdisho, oo saddex maalmood ka socday magaladda Muqdisho.