WASIIRRADA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA DAWLAD-GOBOLLEEDYADA DALKA OO MUQDISHO SOO GAARAY MUQDISHO,

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa caasimadda Muqdisho ku martigaliyay wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada Dalka.

 

Kullamo ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ujeeddadeedu tahay sidii looga mara-dhalin lahaa dadaallada shaqo abuur ee Bulshada Soomaaliyeed, xal u helida saameynta shaqo la’aan ee ay wajahayaan Dhallinyarada iyo Horumarinta mashaariicda taageerraya Bulshada nugul.

 

“ Dalkeenna xaaladda shaqo la’aanta iyo xaaladda bani’aadanimo ee ay wajahayaan Bulshada dan’yarta ah ee nugul, waa mid inooga baahan xal wadajir ah oo la isku haleyn karo. “ ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab oo hadalkan ka jeediyay kulan casho ah oo caawa uu ku soo dhaweeyay wasiirrada Dawlad-gobolleedyada.

 

Wadatashiyo ka dhacaya Muqdisho iyo Baydhabo toddobaadkan ayaa sidoo kale wasiirrada waxay uga hadli doonaan hirgalinta diiwaanka midaysan iyo xog-kaydiyaha barnaamijka Baxnaano, iyadoo Sabtida toddobaadka dambe si rasmi ah magaalada Baydhabo loogu daahfurayo wajiga labaad ee mashruuca lagu taageerrayo Dadka uu saameeyay Ayaxa.

—Dhammaad-