DAWLADDA FEDERAALKA IYO DAWLAD-GOBOLLEEDYADA OO XOOJINAYA ISKAASHIGA DHAMMEYSTIRKA DIIWAANKA MIDEYSAN IYO XOG-KEYDIYAHA BULSHADA

Shir wadatashi ah ayaa maanta uga furmay Muqdisho , wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada Dalka.

 

Wadatashiga ayaa diiradda lagu saaray dhammeystirka diiwaanka mideysan iyo xog keydiyaha Barnaamijka Baxnaano, iyadoo hannaankan oo ay Dawladda maamuleyso gacan ka geysanayo in si midaysan hal meel loogu hayo macluumaadka dadka la caawinayo ee dhammaan mashaariicda socota taasoo sahlaysa isu-duwidda iyo waxtarnimada mashaariicda, isla markaana dawladdu si hufan ugu adeegto muwaadiniinteeda.

 

Wasiirka Qorsheynta Qaranka , Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulanka ka sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Dawladda wakiil uga ah hannaankan in looga baahan yahay dhammeystirka diiwaanka bulsho iyo xog-keydiyaha.

 

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada , Puntland , Galmudug,Hirshabeelle, Jubbaland iyo wasiir ku-xigeenka Koonfurgalbeed , ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay inay go’antahay dhammeystirkan nidaamka xogta Bulshada iyo hirgalinta siyaasadda Arrimaha Bulshada.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa gabagabada kulanka sheegay siyaasadda Arrimaha Bulshada inay door ka qaadanayso kobaca Bulshada nugul, wuxuu tilmaamay xog-keydiyaha inuu suragalinayo Dawladda inay maamusho dhammaan xogta Dadka nugul ee ku nool dalka.