WASIIR KU-XIGEENKA WASAARADDA SHAQADA IYO ARRIMAHA BULSHADA XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA , MARWO SAHRA XAAJI XUSEEN OO GAARTAY MAGAALADA KISMAAYO

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Marwo Sahra Xaaji Xuseen oo shalay gaartay magaalada Kismaayo ayaa maanta kulan la qaadatay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jubbaland , Mudane Maxamed Axmed Cali, iyadoo kulankaa looga wada-hadlay Iskaashiga labada wasaarad iyo warbixin la xiriirta mashaariicda taageeraya bulahada nugul ee Baxnaano iyo taageerada dadka uu saameeyay Ayaxa.

Marwo Sahro, ayaa xaqiijisay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka inay ka go’antahay xoojinta taageerrada iyo iskaashiga wasaaradaha Dawlad-gobolleedyada dalka.