Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Federalka soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi ayaa kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga u qaabilsan soomaaliya.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed Cilmi ayaa maanta kulan miro dhal ah la qaatay Safiirka Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Mohamed Bin Ahmed Al Muwallad.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo iskaashiga labada dal ee xubnaha ka wada ah Jaamacadda Carabta.
Kulanka oo isbaraaho ahaa ayaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadista wada shaqaynta iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Wasiirka ayaa bogaadiyay iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga isagoo si gaar ah uga mahadceliyay ka gacan-siinta barashada farsamadaha iyo horumarinta hirgelinta macluumaadka suuqa shaqada iyo u abuurista xirfado Shaqo gaar ahaan Haweenka iyo dhalinyarada.
Intaasi kaddib, Wasiirka wasaarada ayaa guddoonsiiyay Safiirka, Dukumintiyo ka hadlaya xaaladaha rasmiga ah ee kaabaaya dhammaan qodobbada uu ka hadlay.
waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiinta kala ah: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cismaan Libaax Ibraahim, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane Yuusuf Maxamed Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Yuusuf Xasan Isaaq iyo qaar ka mid ah La taliyeyaasha Wasaaradda.
Dhammad