Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa furtay shirka wadatashiga saddex geesoodka ah ee ku saabsan Socdaalka Shaqada Doolka.

Isniin, September 25, 2023 (MOLSA) — Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane. Cusman Libaax Ibraahim ayaa si rasmi ah u furay shirka labaad ee wadatashiga saddex geesoodka ah ee heer farsamo ee Barnaamijka Maareynta Socdaalka Gobolka (BRMM) oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Hay’adda ILO waxdeeda (Labor Migration) oo soo qaban qaabisay kulankan looga hadlayay hanaanka isku socodka, shaqaaleyn siinta iyo Shaqada Doolka.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo kaashanaysa mashruuca BRMM ayaa hore u soo qabatay kulankii koowaad ee saddex geesood ahaa kaas oo la iskaga xogwareysanayay ujeedooyinka iyo natiijada kasoo baxday Barnaamijka Maareynta Socdaalka Gobolka (BRMM).

Waxaana Goobjoog ahaa xubno katirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta, Wasaaradda Amniga Gudaha, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Hay’adda Istaatistikada, wasaaradda Qorsheynta, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Isutagga Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed – FESTU, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, iyo la taliyeyaal ku howlan arrimaha socdaalka Shaqada Doolka.

Ugu horeeyntii Hay,adda ILO ayaa ka warbixisay howlaha ugu qabsoomay (BRMM), ayadda oo laxariira hay’adaha saddex geesoodka ah, waxayna faahfaahin ka bixiyeen waxii u qabsamay, caqabadaha kajira, iyo wax yaabahii looga bahnay in ay ka qabsamaan wada shaqeynta hay,adaha sadex geesodka ah.

Sidoo kale dhammaan masuuliyiintii kala duwan ee kulanka kaso qaby galay ayaa dood cilmiyeedyo ka yeeshay arrimaha isku socodka shaqada Doolka, ayaga oo diiradda saraya caqabadaha heysta shaqalaha, fursadaha jiro, iyo sidii loo hormarin lahaay ilaalinta xuquuqda shaqalaha Doolka ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshda Xil. Cusmaan Libaax Ibraahim oo ka hadlayay furitaanka shirka ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah uu shaqaalaha u leeyahay shirkan, isla markaana ay ka wada tashanayaan aayaha shaqalaha Doolka ah, waxaana uu tilmaamay in talooyinka ka soo baxa shirkan ay Wasaaradu dhaqan gelin doonto.

“waxaan idinku baraarujinayaa in hay ‘adaha aad meteshaan ay si wadajir ah uga shageysaan hawlaha idin horyaal ee shaqada doolka” “Waxaan u rajaynaynaa in Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) ay sii waddo oo ay sii laba jibaarto shaqada ay u hayso Wasraadda ” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.
Ugu dambeyn, Talooyinka iyo wadatashiyada ay soo bandhigaan Masuuliyiinta kulankan ayay meel marin doontaa Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.