Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo qaabilay wakiilka hay’adda UNICEF

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed .

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac , dardargalinta dadaallada taageerraya qoysaska abaaruhu saameeyeen iyo ka hortagga macaluusha ee carruurta.

“Waddankeenna wuxuu wajahaya xaalad bani’aadanimo oo si isku mid ah u saameysay Dalka oo dhan, si xaaladdaa looga jawaabo , waxaan howlgalkeenna isugu geynay taageerrada Bulshada gaar ahaan kuwa nugul.” ayuu yiri Wasiir Biixi oo sidoo kale boggaadiyay howlgalka UNICEF.

Wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil , ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Wasiirka , xoojinta iskaashiga , iyadoo inta ku dartay inay ka go’antahay UNICEF horumarinta barnaamijka ay kala shaqeynayaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo taageerrada Bulshada .

Hay’adda UNICEF , ayaa Wasaaradda kala shaqeysa barnaamijka Qaran ee taageerrada Dadka nugul (Baxnaano) , gaar ahaan dhammeystirka nidaamka Xog-kaydiyaha Bulshada (Unified Social Registry), kaa oo hadda ku jira wajigii u dambeeyay.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob -joog u ahaa , Wasiiru Dawlaha, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim,Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, Madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullahi iyo xubno ka tirsan hay’adda UNICEF.