Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo qaabilay wafdi u hoggaaminayay madaxa hay’adda FAO

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay madaxa hay’adda Cunnada iyo Beeraha Qaramada Midoobay ee (FAO) , Etienne Peterschmitt.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Wasaaradda iyo FAO , iyadoo la iska kaashanayo hirgelinta qorshaha Siyaasadda ilaalinta bulshada ee Dalka.
Wasiir Biixi Iimaan , ayaa kulanka ka sheegay muhiimada ay leedahay iskaashiga hirgelinta ilaalinta bulshada, wuxuuna intaa ku daray in Dawladda ay ka go’an tahay sidii shacabkeeda loo gaarsiin lahaa adeegyada bulshada.

Madaxa hay’adda FAO, Etienne Peterschmitt ayaa dhankiisa boggaadiyay dadaallada Dawladda ee ku aaddan Horumarinta Bulshada iyo ka jawaabida xaaladaha degdegga ah, isagoo xaqiijiyay inay ka go’antahay xoojinta iskaashiga Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada .
Kulanka waxaa goobjoog u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo saraakiil ka tirsan hay’adda FAO.

Dhammaad—