Wasiir Biixi oo kormeeray waaxyaha Wasaaradda

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta kormeeray waaxyaha iyo qaybaha xarunta Wasaaradda ee ay ku shaqeeyaan howlwadeennada,iyadoo ay weheliyeen Wasiiru Dawlaha, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim iyo Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.

Wasiirka ayaa inta uu kormeerka ku jiray wuxuu la kulmay Agaasime waaxeedyada iyo howlwadeennada, isagoo u-kuurgalayay shaqooyinka muhiimka u ah bulshada iyo qaranka ee ka socda xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

“Wasaaradan waxay muhiimad u leedahay adeegga bulshada iyo dhammaan shaqaalaha rayidka, waxaanna doonayaa si wadajir ah innaan doorkaa u muujino.” ayuu yiri Wasiir Biixi oo intaa ku daray “ Waxaan dadaal galinaynaa sidii aan u hormarin lahayn waaxyaha iyo howlwadeennada.”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Bihi Iman Egeh ayaa sidoo kale sheegay in la joogteyn doono la socodka howlaha shaqo ee waaxyaha Wasaaradda.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Dawladda mas’uul uga ah horumarinta shaqaalaha rayidka Dawladda, Shaqo abuurka iyo horumarinta Bulshada, si taa loo muujiyo wasaaradda ayaa hirgalisay xarunta Qaran ee adeegga Shaqo Abuur iyo barnaamijyo taageerraya bulshada oo ay ugu horreeyaan kuwa nugul.