Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo qaabbilay madaxa mashruuca TIS3-USAID

Muqdisho , Agoosto, 17, 2022 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay madaxa mashruuca TIS3-USAID Soomaaliya , Iftikhar Ahmad Shaheen.

Kulanka ayaa howlaha Shaqo ee TIS3-USAID iyo barnaamijyada ay ka wado Soomaaliya waxaa ku soo bandhigay madaxa TIS3-USAID Soomaaliya , Iftikhar Ahmad Shaheen, isagoo markaa sheegay inay Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ka taageerrayaan xasillinta iyo horumarka waara.

Iskaashiga iyo sidii loo hurumarinta lahaa xirfadaha iyo Shaqo Abuurka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay kulanka.

“ Tan iyo marka aan xilka la wareegay – waxaan dadaal galinay iskaashiga aan ku doonayno in horay loo qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo wax u taraya Dhallinyarada , gaar ahaan shaqo Abuurka iyo xirfadaha.” ayuu yiri Wasiir Bihi Iman Egeh.

Wasiir ayaa intaa ku daray , xilligan diiradda inay saarayaan sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada nugul ee abaartu ay saamayntu ku yeelatay, wuxuuna caddeeyay in la horumarin doono barnaamijyada taageerraya bulshada, si loo dhimo saamaynta xaaladaha deg-degga ah.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dawlaha, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan , Wasiir ku-xigeenka , Mudane Cismaan Libaax Ibraahim iyo Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali.