Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada JFS oo qaabbilay Agaasimaha Bariga Afrika ee WFP

Muqdisho, Agoosto, 14, 2022 – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Agaasimaha Bariga Afrika ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ee loo yaqaan (WFP), Michael Dunford oo ay wehelinayeen masuuliyiin sarsare oo uu ka mid yahay madaxa WFP ee Soomaaliya, El-Khidir Dalie.

Waxay ka wada-hadleen sidii loo caawin lahaa qoysaska tabaalaysan iyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyagoo wada-jir u xaqiijiyay xoojinta wada shaqaynta wasaaradda iyo WFP ee dhinacyo kala duwan leh.

“WFP waxay door muhiim ah ka ciyaartaa taageeridda si aan gargaar u gaarsiino dadka aadka ugu nugul saamaynta abaarta. Waxaan rajeyneynaa inan ballaarinno iskaashiga si aan wax uga qabanno taageerrada Bulshada .” ayuu yiri Wasiir Bihi Iman Egeh .

Madaxa hay’adda WFP ee bariga Afrika,Michael Dunford ayaa dhinaciisa boggaadiyay dadaallada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee horseeday in taageerro dhaqaalo oo dheerad ah loo helo qoysaska ay abaartu saamaysay iyo kuwa nugul. Wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Wasiir Biixi , sida ay uga go’antahay in la ballaariyo dadaallada wax u taraya Bulshada.

WFP ayaa ah hay’adda QM ee wada shaqeynta u ballaaran ay wadagaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , iyagoo ka taageerra gudbinta lacagaha caddaanka ah ee loogu talagalay qoysaska ka faa’iideysta Barnaamijka Qaran ee taageerrada Bulshada nugul ee Baxnaano. Barnaamijkan waxaa qayb ka ah taageerrada deg degga ah ee Dadka uu Ayaxa saamaayay iyo marxaladda xilligan lagu jirto ee qoysaska abaarta u nugul.