Wasiir Biixi ayaa shir-gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee uu la yeesho Agaasimayaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa shir-gudoomiyey kulankii ugu horeeyey ee uu la yeesho Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaas oo ka qabsoomay xafiiska Wasiirka.

 

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda shaqada Xil. Cismaan Libaax Ibraahim iyo Wasiiru Dowlaha WasaaraddaShaqada Xil. Yuusuf Maxamed Aadan waxa kale oo ka soo qayb galay masuuliyiinta Agaasime Waaxeedyada oo uu hogaaminayay  Mudane Cabdullahi Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Wasiirka Wasaaradda  Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Biixi Iimaan Cige oo kulanka furay ayaa yiri: “Waxaan isugu nimid inaan nahay wakiillo ama dhardhaartii wasaaradan oo la rabo inay ka qeyb qaataan howlaha wax ku oolka ah iyo qorshaha ay dowladdu u dajisay shaqo abuurka iyo Arrimaha Bulshada  taas oo naga sugayaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed” Wasaaraddan ayaa ah Hooyada Wasaaradaha dalka, Madaxda Qaranka, oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, waxaa hortabin u ah shaqo helida iyo abuurista shaqooyin waaweyn.

 

Gaba gabadii kulanka oo ahaa isbarasho iyo is xog waraysi ayaa dhamaan ka soo qayb galayaasha madasha ay si hufan uga doodeen iyagoo ku daray talooyin wax ku ool ah iyo su’aalo ku haboon oo ku saabsan sidii loo wajihi lahaa wada shaqayn iyo ka midho dhalinta hawlaha horyaala Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada