Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo xilka la wareegay

Muqdisho, Agoosto, 11, 2022 – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi limaan Cige ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee Wasaaradda , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif , kaddib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda oo uu goobjoog u ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda , Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Xafladda waxaa kalo ka qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, howlwadeennada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa sheegay muddadii uu joogay xafiiska inuu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa Howlaha wasaaradda, wuxuuna soo hadal qaaday in shuruuc dhowr oo muhiim u Dalka la hirgeliyay , kuwa kalana la ansixiyay. Wuxuu inta ku daray inuu wasiirka cusub kala shaqeyn doono sidii horey loogu sii wadi lahaa shaqooyinka ay ka qabaneyso wasaaradda.

“Waxay ii tahay sharaf inaan qayb ka ahaado taariikhda Wasaaraddan” ayuu yiri Wasiirkii hore Wasiir Cabdiwahaab oo inta ku daray “Muddadii aan hoggaaminayay Wasaaraddan waxaan ku dadaalay inaan dhiso hay’ad gudan karta waajibaadkeeda qaranku u idmaday. ”

Wasiirka xilka la wareegay , Mudane Biixi limaan Cige ayaa sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada inay laf-dhabar u tahay horumarinta bulshada iyo dowladnimada, wuxuuna uga mahadceliyay wasiirkii hore dadaalladii uu ku bixiyay horumarinta Wasaaradda.

“Waxaan dadaal ku bixinaynaa sidii horey aan ugu sii wadi lahayn wasaaraddan muhiimka u ah bulshada Soomaaliyeed , waqtiga aan heysanno waxaan xoogga saari doonaa dardargalinta howlaha wasaaradda.” ayuu yiri Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Biixi limaan Cige.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa boggaadiyey shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirkii Hore, isaga oo Wasiirrada Cusub ugu hambalyeey wajibaadka qaran ee ay qaadeen.

—Dhammaad—