Wasaaradda Shaqada iyo Arr. Bulshada oo markeedii labaad gudatay Waajibka Qaran ee Barnaamijka IS-XILQAAN

Shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa maanta kaltankoodii labaad kaga qeyb qaatay Barnaamijka IS-XILQAAN oo uu horraan ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasoo lagu dayactiraayay dhismayaasha Tiyaatarka, Matxafka Qaranka iyo Maktabadda Qaranka, iyadoo Shaqaalaha Wasaaradda uu hoggaaminayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada & Arr. Bulshada, Maxamed Cadde Mukhtar.

Agaasimaha Guud oo la hadlayey Saxaafadda ayaa u mahad celiyay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo dhammaan Shaqaalaha  kala duwan ee soo xaadiray Barnaamijka IS-XILQAAN oo ay maanta ku aaddaneyd kaltanka Wasaaraddiisa.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ayaa u mahad celiyay howl-wadeennada IS-XILQAAN ee kala ah Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS Maryan Amiin iyo wakiilka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada u qaabilsan Barnaamijka IS-XILQAAN ahna Agaasimaha Waaxda Tababbarrada, Mudane Ismaaciil Macallin Cabdullaahi kuna dhiirra geliyay dadaalkooda ku aaddan fulinta Howlaha socda ee lagu dhisayo Xarrumaha Dowladda.

Agaasime Ismaaciil Macallin Cabdullaahi oo goor walba u taagan dhiirra gelinta ama wacyigelinta Shaqaalaha Hey’adaha Dowladda ayaa ku dhiirra geliyay Shaqaalaha Wasaaraddiisa ineysan muujinin dabacsanaan oo ay la tartamaan Hey’adaha kale maadaama ay yihiin hormuudka Hey’adaha Dowladda.