SHIR KU SAABSABN DIB-U-EEGISTA SIYAASADDA ILAALINTA BULSHADA OO KA DHACAY HOTEL JAZEERA

Siyaasadda Ilaalinta Bulshada oo mareysa heerkeeda Dib-u-eegista ayaa mar kale leysugu yimiday falanqeynteeda ku aaddan isla meel dhigidda waxyaabihii kasoo baxay kulamadii hore ee laga yeeshay Siyaasadda.

Waxaa madasha kulanka ka soo qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Maxamed Cadde Mukhtar, Madaxa Siyasadda Ilaalinta Bulshada ahna La Taliye sare ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Fardowsa, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdullaahi Aadan, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Mudane Salaad, Agaasimaha Waaxda Macaahidda Daryeelka Naafada Cumar Caliyoow, Guddiga Farsamo ee Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee ka kala socda Wasaaradaha Shaqada & Arrimaha Bulshada, Qorheynta iyo Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, iyo Wakiillo ka socday Wasaaradaha ay quseyso Siyaasadda Ilaalinta Bulshada.

Waxaa shirka daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Maxamed Cadde Mukhtar, soo dhoweyn xubnaha madasha ka soo qeybgalay kaddib waxuu sheegay in Siyaasadda Ilaalinta Bulshada ay ku jirto Qorshayaasha Qaran ee Dowladda sidaasi awgeedna ay noqdaan xubnaha ka qeybgalaaya siyaasaddan howsheeda kuwa joogto ah si ay u fududaato isla jaanqaadka goor walba.

Kothney oo ka socotay Hey’adda Samuel Hall oo fududeysa Siyaasaddan ayaa sharraxday qaababka dib-u-eegista loogu sameynaayo Siyaasadda, kala horreyntooda iyo waliba natiijada la filaayo iney kasoo baxdo.

Intaasi kaddib waxaa laga wada dooday qaabka loo wajahaayo qeybaha xiga ee hawshan, waxuuna kulanka soo idlaaday iyadoo hoos laga wada xarriiqday tallaabooyinka xiga ee leysla wada qaadi doono.