KULAN WADATASHI AH OO KU SAABSAN ISTARAATIIJIYADDA SHAQO-SIINTA QARANKA SOOMAALIYA OO MAANTA KA DHACAY HOTEL JAZEERA

 

Istaraatiijiyadda Shaqo-siinta Qaranka Soomaaliya ayaanan aheyn markii ugu horreysay ee kulan laga wada yeesho, hase ahaatee kulankaan ayaa waxuu uga duwanaa kuwii hore in Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac uu muujiyay dadaal dheeraad ah uu ugu jiro inuu ka hergeliyo wax cad ee la taaban karo Istaraatiijiyaddan.

 

Madasha kulanka ayaa waxaa soo xaadiray Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha gaarka ah & Muhaajiriinta, Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Agaasimaha Waaxda Macaahidda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Madaxa Xafiiska ILo ee Soomaaliya, Madaxa Shaqo-siinta Xafiiska ILO ee Soomaaliya, Wakiilada Maamul Goboleedayada Soomaaliyeed, Ururka Ganacsatada Soomaaliyeed, Madaxa Ururka Bankiyada Soomaaliyeed, Ururada Macallimiinta Soomaaliyeed iyo Aqoonyahaniin kale.

 

Wasiir Saalax ayaa ka hadlay hadafka Istaraatiiyadda Shaqo-siinta Qaranka oo uu ku sheegay in la doonayo in laga gudbo shaqo abuur dambe oo laga sugo Hey’adaha Qaramaha Midoobay, waxuu kaloo u sheegay xubnaha madasha in laga doonayo shaqo abuurka dhankooda maadaama ay yihiin Hey’adihii gaarka ka ahaa dowladda, maadaama bulshadoo idil aysan noqon karin shaqaale dowladeed.

 

Saad Gilani iyo Luka Fedi ee kala ah Madaxa Xafiiska ILO ee Soomaaliya iyo Madaxa Qeybta Shqo-siinta ee Xafiiska ILO ee Soomaaliya ayaa kaddib waxey soo jeediyeen Istaraatiijiyadda Shaqo-siinta Hadafyadeeda iyo sida ugu macquulsan ee looga howlgeli karo.

 

Intaasi kaddib ayaa waxaa leysu qeybiyay saddex kooxood iyadoo ujeedku ahaa in laga wada doodo tallaabooyinka ay tahay in loo qaado sidii loo hergelin lahaa Siyaasad Shaqo-siin ah ee loo wada dhan yahay, waxaa kasoo baxay qodobbo wax ku ool ah kuwaasoo lasoo bandhigi doono dhammaadka kulamadaan ee leysugu soo laaban doono mar kale.

 

Ugu dambeyn Wasiir Saalax ayaa kula dardaarmay xubnaha madasha in aanan loo kala kicin iyadoo aan la hergelin hadafka laga lahaa kulankan.