Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo hey’adda Save Children  oo tababar u furay  shaqaalle la barayay Ilaalinta Bulshada “SAWIRRO”

Ku dhawaad 20 Shaqaale oo ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada isla markaana  Muddo loo diyaarinay in ay ka qeyb qaataan  Tababar la xiriira Dhinaca ka shaqaynta Ilaalinta Bulshada ayaa loogu  qabtay magaalada Muqdisho.

 

Tababarkan  waxaa iska kaashanayey hay’adda  (Save Children) iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada (MOLSA) waxana ka soo qeyb galay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Maareeye ku xigeenka koonfurta iyo Bartamaha  Soomaaliya ee hay’adda  Save Children mudane  Cali Cabdi Wehliye (Cali Bille), sidoo kala waxaan goob joog ka aheyd  Lataliyaha Arrimaha  Bulshada  Marwo Fardowsa Axmed  Cabdulahi oo dawr ka qaadatay sidii uu u hirgeli lahaa tababarkaan.

 

Agaasimaha guud ee  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Cadde Mukhtar oo ka hadlay furitaanka tababarka ayaa  tilmaamay in ay ka go’antahay Dowladda horumarinta Arrimaha Ilaalinta Bulshada iyo sare u qaadida heerka aqooneed ee shaqaalaha Dowladda wuxu yiri “ mudo dheer ayaan soo dharaandhirinaynay in shaqaalaha dawladda  aan u qabano tababarkaan  aqoon kororsiga ah dadaal dheer ka dib waan ku guulaysanay in uu hirgalo tababarkaan waxaan u mahad celinaa hay’adda Save Children oo dawr ku leheed qabsoomida tababarkaan”.

 

Tababarka   waxaa fududaynayay Qabiir sare oo arrimaha Bulshada ku soo taqasusay dadaal badana ku bixiyay casharada lugu baranaayey Tababarka, Mudane  Chad Anderson oo ka mid ahaa Save  Children ayaa yiri “waxaan ku faraxsanahay tababarkaan in uu noogu soo dhamaado si wanaagsan waxaana ardayda ku baraynay casharo aad muhiim ugu ah Ilaalinta Bulshada  Soomaaliyeed”.ayuu sheegay Mr.Chad.

 

gabagabadii tababarka waxaa soo xiray Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdulaahi Adan Cabdi  waxuuna yiri “ waxaan ku faraxsanahay in ku dhawaad 20 shaqaale oo ka kala socda Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda  Shaqada ugu soo idlaado si habsami leh tababar  noocaan oo kale ah iyo casharadaan waxey idin tahay muhiim in aqoonta aad kororsateen aad ugu shaqaysaan bulshada ,waxaan rajaynaaya in uu sii socdo tababarada nuucaan oo kala ah waxaana u mahad celinaa hay’adihii gacan ka gaystay tababarkaan”.

 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey wadaa dadaalo lugu dardar galinaayo tababarda sare loogu qaadaayo aqoonta shaqaalaha dawladda ay ugu adeegayaa  Ilaalinta Bulshada Soomaaliyeed. (Social Protection)