Kulanka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lagu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Badqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada.

Kulanka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad ah loogu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Badqabka iyo Caafimaadka Goobaha Shaqada oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyadoo ka duuleyso waajibaadka ay uga xilsaaran tahay xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay siyaasadda Qaran ee badqabka iyo caafimaadka goobaha shaqada inay noqdaan kuwo ku habboon shaqaalaha iyo badqabkooda.

 

Ujeeddada ugu weyn ee siyaasaddan waa in la sameeyo siyaasadda badqabka iyo caafimaadka oo heer qaran ah, taasoo looga golleeyahay in la abuuro jawi wanaagsan oo ku haboon goobta shaqada.

 

Ugu dambeyntii, Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa mahadcelin ballaaran ka bixiyay ansixinta Golaha Wasiirada XFS ee ku aaddan Siyaasadda Qaran ee Badqabka iyo Caafimaadka Goobha Shaqada.