Golaha Aqalka Sare ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka hawlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise Sharciyeedka hawlgabka iyo liiltirka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha Shacabka Baarlaamaanka.

 

Wasiir Dowlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Yusuf Maxamed Aadan ayaa ka warbixiyay muhiimadda sharcigan u leeyahay dawlad-dhiska Soomaaliya, isagoo xusay in uu sharcigani xaqiijinayo xaquuqda shaqaalaha hawlgabka ah ee muddada badan u soo adeegayay Qaranka Soomaaliyeed.

 

Yoolka guud ee Hindise Sharciyeedka Hawl-gabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka Dowladda waa in la helo, la xaqiijiyo lana siiyo shaqaalaha rayidka Dawladda Daryeel hawlgab iyo liiltir sugan oo ku Habboon shaqaalaha Rayidka kaasoo ah mid la joogteyn karo.

 

Ugu danbayn, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa uga Mahadceliyay Aqalka Sare ansxinta xeerkan muhiimka ah, gaar ahaan Guddi-hoosaadka Arrimaha Bulshada oo xeerkan ka soo shaqeeyay.