Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada X F S iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda SoDMA.

 

Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Xasan isaak ayaa booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saarey sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta guud ee ka dhaxeysa Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka loona hormarin lahaa dadaallada Ilaalinta bulshada, si loo dhimo loogana hortago faqriga iyo nuglaanta dadkeenna.