Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada XFS ayaa tababar aqoon korarsi ku daahfuray magaalada Nairobi.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yusuf Xasan Isaaq ayaa maanta Magaalada Nairobia Ku daahfurey aqoon kororsi lagu baranayo tilmaamaha lagula soconayo heerarka kala duwan ee saboolnimada dalka.

Tababarkan oo socon doono muddo todobaad ah ayna ka faa’ideysan doonaan hawlwadeeno ka kala socda Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada iyo Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa soo qabanqaabisay Jaamacadda Oxford, oo taageero ka helaysa Hay’adda UNDP.

 

Ujeedka aqoon kororsigan ayaa ah in kor loo qaado aqoonta ka qeybgalayaasha ee ku aadan dadaalada lagula tacaalayo faqriga iyo in Soomaaliya ay mar kale qeyb ka noqoto dalalka soo saara warbixinada saboolnimada.

 

Agaasimaha Guud ayaa uga mahadceliyay Jaamacadda Oxford iyo Hay’adda UNDP sida wanaagsan ee ay u soo diyaariyeen tababarkan ku soo aaday xiligii loogu baahi badnaa, waxa uuna dhanka kale ka qeybgalayaasha ku booriyay in ay ka faa’ideystaan aqoonta iyo khibradda macalimiinta bixinaya tababarka, islamarkaana ay u sii gudbiyaan saaxiibadooda aan nasiibku u saamixin in ay helaan fursadan.