Soo Xeridda Tababarka Shaqo Doonka Soomaaliyeed

 

Iyadoo maalmihi ugu dambeeyay Xarunta Qaranka ee Adeegga Shaqo Abuurka uu ka soconayay Tababarka Shaqo Doonka Soomaaliyeed ayaa maanta loo soo xiray dhawrkii Shaqo Doon ee ka qeyb qaatay muddaduu socday Tababarka.

Waxaa maanta si wadajir ah Tababarkan usoo xiray Ku Simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada ahna Agaasimaha Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha Cabdirashiid Cabdullaahi Xeydar, Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqo Abuurka Saciid Aadan Mire iyo Maamulaha Xarunta Qaranka ee Adeegga Shaqo Abuurka Zakariye Cabdi Xaashi.

Ugu dambeynti waxaa xubnaha Shaqo Doonka ah la guddoonsiiyay shahaaddooyin lagu abaalmarinayay kasoo qeybgalkooda kuna cad aqoonta ay kororsadeen iyadoo sidoo kale la qorsheynaayo in Xarunta ay qaban doonto dhawr Tababaro oo kuwaan la mid ah.