Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa furay tababarka shaqo doonka Soomaaliyeed.

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada oo mudnaan siineysa shaqo abuurka iyo shaqo-siinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa maanta u furtay tababarro lagu dhiirigelinayo dhalinyarada shaqo doonka ah.

 

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Xasan Isaaq ayaa furay tababarkii ugu horreeyay ee sanadkan 2024 kaas oo ku saabsan habka ugu habboon ee shaqo loogu heli karo dadka shaqo doonka ah.

 

Agaasime Yuusuf ayaa yiri “Habka Shaqo helista ee lagu qanci karo waa in qofka shaqo doonka ahi uu runta ka sheego CV-giisa, aqoontiisa iyo taariikh nololeedkiisa, taasina waa furaha shaqo helida ugu wanaagsan”.

 

Ugu dambayntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa bogaadiyay howlaha baaxadda leh ee ay wado waaxda Shaqada iyo Shaqo Abuurka Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo soo abaabushay isu keenida qaar ka mid ah dadka shaqo doonka in ay fursad u helaan kasoo qeyb galka tababaro shaqo abuur loo sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

Tababarkan oo muddo saddex maalmood ah ka socon doona Xarunta Qaranka ee Adeegga Shaqo-Abuurka ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa waxaa gacan ka geystay Maamulaha Xarunta NESC Muddane Zakariye Cabdi Xaashi iyo Madax kala duwan.