Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada oo Furay Shirkii 1aad ee Guddiga Farsamada Shaqaalaysiinta Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Yuusuf Xasan Isaaq ayaa maanta u furay mas’uuliyiin ka kala socday wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha ku shaqada leh arrimaha shaqada, shirka 1-aad ee Guddiga Farsamada shaqo Abuurka Qaranka, shirkan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaysiinta ayaa lagu qabtay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa shirka ka sheegay in shirkan uu faa’iidooyin badan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada shaqo doonka ah. Waa muhiim in la badiyo shirarka noocaan ah ee looga hadlayo fursadaha shaqo iyadoo loo marayo hababka shaqaaleysiinta oo kala duwan.

 

Agaasimaha Guud waxa uu yiri “Wasaarad ahaan waxa aanu u xil saaran nahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha guud ahaan (Public & Private workers) waxaa naga quseeyo dhanka shaqo abuurka marka ay timaado shaqaalaysiinta. Guddiga waxaan ka filayaa in uu aad ugu faa’iidayn doono Dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo doon ah.” Sidaa waxaa yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Muddane Yuusuf Xasan Isaaq.

 

Guddiga Farsamada Shaqaalaysiinta Qaranka oo gudanaya waajibaadkooda Qaran ayaa sii waday ka doodista ujeedooyinka ay iskugu yimaadeen, waxaana ay ka wada hadleen arrimo muujinaya isbedel wanaagsan oo dhanka shaqada ah, iyadoo ay kordheen fursadaha shaqo.

 

Zakriya Cabdi Xaashi oo ah Maamulaha Xarunta Qaranka ee adeegga Shaqo Abuurka ayaa sheegay Horumarinta howlaha shaqo ee Guddiga Farsamada Shaqaalaysiinta Qaranka “Guddiga hadda waxay diiradda saarayaan tababarka iyo horumarinta shaqaalaha si kor loogu qaado wax-soo-saarka iyo la socodka isbeddelka jawiga suuqa shaqada. Shaqo-doonayaashu waa inay u diyaar garoobaan inay kor u qaadaan xirfadahooda iyo aqoontooda iyagoo u maraya waxbarasho joogto ah si ay ugu tartamaan suuqa shaqada”.

 

Ugu danbayntii Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaysiinta ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Siciid Aadan Mire ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu Shirkani u leeyahay bulshada Soomaaliyeed waxuuna yiri ““waxaan aad u danayneynaa Wararka ku saabsan hindisayaasha iyo barnaamijyada kor u qaadaya shaqaaleysiinta kala duwanaanta iyo jawi shaqo oo loo dhan yahay oo waxtar u leh Shaqo-doonayaasha Soomaaliyeed “

 

Shirkan oo ah kii ugu horeeyey ee sanadkan 2024-ka lagu qabto xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad iyo wada shaqayn joogta ah oo ay wada yeelanayaan Guddiga Farsamada Shaqaalaysiinta Qaranka.