Kulanka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad ah loogu ansixiyay heshiiska Caalamiga ah ee da’da ugu yar ee lagu shaqo gali karo oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada.

Heshiiska Caalamiga ah ee da’da ugu yar oo lagu shaqo gali karo ee la soo saaray 1973, tirsigiisu yahay Lr. 138, ayaa lagu ansixiyay kalfadhigii 58aad ee Shirweynihii guud ee Ururka Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO kaasoo ka dhacay taarikhdu marka ay aheyd 26-da Juun 1973, magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Heshiiskan ayaana dhaqan galay taarikhdu marka ay ahayd 9-kii Juun sannadkii 1976.

 

Heshiiskan wuxuu la dagaalamayaa shaqaaleysiinta carruurta ee da’dooda yartahay, taas oo dabeecaad ahaan ama xaaladaha lagu qabanaayo shaqada ay ku keeni karaan khatar caafimaad oo dhanka garaadka ah iyo akhlaaqda carruurta.

 

Heshiiskan ayaa si buuxda u waafaqsan dastuurka KMG ee Soomaaliya.