Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee X F S, Mudane Yuusuf Xasan Isxaaq ayaa kulan la yeeshay Madaxa Ilaalinta Bulshada ee Hay’adda WFP xasfiiskeeda Soomaaliya, Serene Philop.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Xasan Isxaaq ayaa maanta kulan miro dhal magaalada muqdishu kula yeeshay Madaxa Ilaalinta Bulshada ee Hay’adda WFP xasfiiskeeda Soomaaliya, Serene Philop.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo kaalinta muhiimka ah ee ay Hay’adda WFP ka cayaarto sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka nugul ee ku nool gudaha Dalkeena Soomaaliya.

Serene Philop ayaa uga mahadcelisay Hoggaanka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada wadashaynta iyo fududeynta howlaha hortabinta u leh ee arimaha bulshada.

Agaasimaha Guud ayaa dhankiiisa uga mahadceliyey Hay’adda WFP kaalinteeda ku aadan arimaha bani’aadamnimada iyo horumarinta arimaha bulshada.